25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

R/W CC oo ka hadlay madax adeega PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay dagaalka sii dheeraanaya ee maamulka Puntland kala dhexeeya maleeshiyaadka dooneysa in Puntland ay ka dhigaan Saldhiga argagixisada.

Sharmaarke waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in xiliga lagu jiro ay madaxda Puntland diidmo ka muujiyaan gurmadka AMISOM ay u fidin laheyd waxa uuna sheegay in AMISOM ay dhaqaale ku qaadato difaacida shacabka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxda maamulka ayuu ugu baaqay inay qafiifiyaan mudada uu dagaalka socdo ad adeega ay ka muujinayaan gurmadka caalamka iyo kan ay diyaarka la tahay Dowlada Somalia oo garab ka heleysa Ciidamada AMISOM.

Sharmaarke ayaa sidoo kale, madaxda Puntland uga digay in carada ay ka qaadan Dagaalka socda ay dhaliilo aan munaasab aheyn hawada usoo mariyaan Dowlada, waxa uuna farta ku goday in Soomaalidu aysan kala tagi karin islamarkaana ay iyaga un isku hari doonaan.

Maleeshiyaadka duulaanka soo qaaday ayuu sheegay inay yihiin naf lacaari, sidaa aawgeedna looga reynkaro kaliya Dowlada iyo maamul goboleedyada oo is kaashada.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in maalmaha harsan lasoo afjaro dagaalka si uu yiri maleeshiyada loo tuso halka ay gaarsiisan tahay awoodooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News