27.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

R/W CC oo ku jees jeesay Guuleed xili uu goobjoog ahaa Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo weli ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa u kala eexday Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ku tuur tuuray hadalo jees jees ah, xili uu garab fadhiyay dhigiisa Puntland C/wali Gaas.

Sharmaarke waxa uu Guuleed ku tilmaamay inuu yahay Madaxweyne aan ka adkeyn maamulkiisa, waxa uuna dusha ka saaray inuu yahay mid ka jiifa xalinta Colaada xoogeeda iminka laga soo gudbay.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale, C/kariin Guuleed ku tilmaamay mid aan xakameyn karin maamulkiisa, gaar ahaan ciidamada ka joogay furumaha dagaalka ee iminka la kala qaaday.

Sharmaarke waxa uu Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo xiligaa ag fadhiyay Guuleed ku amaanay dhabar adeeg uu muujiyay inta ay socdeen dagaalada.

Gaas ayuu sheegay inuu ka adag yahay ciidamadiisa jooga difaaca, balse waxa uu nasiib darro ku sheegay in la xakameyn waayo tirro yar oo Ciidamo ah.

C/kariin Guuleed ayaa isbedel ku imaaday wajigiisa kadib erayada canaanta ah ee uu kala kulmay Cumar C/rashiid xili uu garabkiisa fadhiyay C/wali Gaas.

Geesta kale, Labada Madaxweyne Goboleed ayuu ku booriyay inay daacad u ahaadan Heshiiska isla markaana aysan dib usoo celin ciidamada la kala qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News