25.6 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

R/W: CC oo shaaca ka qaaday xog yaab leh oo ku saabsan Amisom

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana ah murashax u taagan doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa khudbadii uu u jeediyay xubnaha labada aqal ee barlamaanka Federaalka wuxuu ka hadlay barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu ku hoggaamin doono dalka haddii la doorto.

Khudbadiisa wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin khibradiisii Siyaasadeed oo uu sheegay inuu labo jeer uu noqday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiir, wuxuuna sheegay inuu aaminsanyahay inuu khibradiisa looga baahanyahay hoggaaminta dalka xiligan kala guurka ah.

“amniga waa muhim, isku dhafnaan la’aanta ciidamadu  cunaqabateynta ayeey xoojinaysa, dowladaha Amisom hadda ku jiraa waxaa ka mid ah kuwa safka hore, arrintaasi waxay keentay in ciidamadani 60% 300 km ayeey ka shaqeeyaan arrintaasina waa wax wax laga qabto” ayuu yiri

Hadalka Cumar ee ah in Amisom badankeed ka howl-gahso kaliya 300 km ayaa dad badan la-yaab ku noqotay, tani oo muujineysa sida ciidamada ay Soomaaliya u joogin wax aan ka ahayn inay lacag qaataan.

Murashax cumar Cabdirashiid wuxuu kaloo khudbadiisii kaga hadlay arrimah federaalkiisa, Wadahadalada Soomaaliland iyo go’aankii ICJ ee Badda iyo Heshiiskii MIO ee kiiniya lala galay

“Ma ah  in federaalku dadka sii kala fogeeyo , sidii mudadii hada aan joogay aan isugu wadnay dowladd goboleedyada iyo dowladda federaalka aan isugu wadno.” ayuu yiri

“Waxaan ka soo jeeda qoys siyaasadeed, waxaan ka soo jeeda qoys  dalkan calankiis iyo xoriyadiisii keenay, una dhintay, markaa sideedaba wax i xiraya ayaa jira” ayuu sii raaciyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News