R/W CCC oo shaki ka muujiyay habka xulista xildhibanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa dhaliilay qaabka ay maamulada dalka u bilaabeen xulista xubnaha kamid noqon doona BFS.

Sharmaarke waxa uu cadeeyay inay jiri karaan isdaba-marin ku aadan hanaanka xulista isaga oo carab dhabay in xulista ay u muuqaal eg tahay mid laga weeciyay dhanka daacadnimada.

Maamulada qaar ayuu sheegay in si hoose ay uga ganacsanayaan xubinimadaasi, isaga oo intaa raaciyay in suuragal ay tahay in halkaasi uu ka dhashay dhaqaale uruursi.

Waxa uu ku taliyay in laga fogaado qaabka khaldan oo ay howsha u wadaan waxa uuna shaki galiyay in halkaasi ay kasoo bixikaraan xubno daacad u ah dalka.

Haddalka Sharmaarke ayaa shaki adag galinaaya hanaanka ay ku socto xulista Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com