25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

R/W CC Sharmaarke oo liiska wasiirada ka reebay wasiir hore oo saammeyn leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan DF Somalia ayaa sheegay in R/W CCC uu liiska Wasiirada cusub ka saaray Sii haayaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Khaalid Cumar Cali.

Khaalid Cumar Cali, ayaa la sheegayaa inuu kamid ahaa Liiska uu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona dib u eegis lagu sameeyay Liiskaasi kadib laga waayay Khaalid Cumar.

Madaxweyne Xassan ayaa la soo warinayaa inuu ku doodayo in Khaalid Cumar uu qaaday talaabooyin hormar leh inta uu xilka hayay, sidaa darteedna dalbaday in dib loogu soo daro Liiska Golaha, balse uu R/W CCC ka cagajiidayo, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan DF.

Sidoo kale, Khaalid Cumar Cali, ayaa kamid ah Siyaasiyiinta ku dhow dhow Madaxweyne Xasan, Shariif Xasan iyo Faarax C/qaadir, iyadoona uu horay uga mid ahaa shaqsiyaadka uu soo xulay Faarax C/qaadir.

Lama Oga sida uu noqon doono go’aanka kama dambeysta ah, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Khaalid Cumar Cali uu kamid noqon doono wasiir ku-xigeenada xukuumada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News