Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shaki galiyay faa’iidooyinka laga dhexlay qaadashada Nidaamka Federaaliisimka.
Sharmaarke, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu qabo in lagu fashilmay Federaaliisimka waxa uuna sabab uga dhigay dagaal iyo colaado laga dhexlay Federaalka taa oo dhexmarta maamulada deriska ah.
Sharmaarke waxa uu sheegay in xiliga lagu jiro ay haboon tahay in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka federaalka, madaam uu mushkilad cusub uu soo kordhiyay maamulada deriska ah.
Sharmaarke, waxa uu ku nuux-nuuxsaday in qaadashada Federaaliisimka ay kala kulmeen dhibaatooyin aan horay u jirin, waxa uuna farta ku goday in tan iyo markii ay DS qaadatay Federaalka ay kordheen colaadaha ka dhextaagan maamulada dalka.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan ammaanka Magaalada Gaalkacyo ,madaam magaalada ciidamada jooga ay kala tirsan yihiin labada maamul.
Dhinaca kale, Sharmaarke waxa uu ku taliyay in laga fekero masiirka shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo isla markaana laga fiirsado Federaalka oo aan xal loo arag.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com