27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

R/W Kheyre: Dhibaatada dalka waxaa lagu cidleeyay aniga iyo Madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay xaaladaha uu ku jiro dalka, tan iyo markii lasoo xulay Xukuumada cusub.

Kheyre waxa uu sheegay in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay xooga saareyso dhowr qodob oo loo arko in lagu badbaadin karo xaalada uu dalka ku jiro.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ay tahay mid ka heysata in Shacabka Soomaaliyeed ay ka iibshaan howlaha dowlada, maadaama inta badan Shacabka ay yihiin kuwo aan arag dowladnimada.

Kheyre waxa uu tilmaamay in talaabada labaad ay tahay in si fog looga shaqeeyo sida ay wada shaqeyn ku dhex mari laheyd ciidamada iyo dadka shacabka ah, oo is fahankooda uu yahay mid loo maraayo dhibaato badan.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa ay tahay mid hadda iyo bilow dib usoo dhiseysa dalka waxa uuna cadeeyay inay wadaa Barnaamij loogu wanqalay ”Dal dhis”.

Waxa uu sheegay in Somalia keliya ay u baahan tahay in wada shaqeyn ay dhexmarto Ciidamada iyo shacabka, waxa uuna soo jeediyay in Somalia ay dhisan doonaan Soomaalida.

Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay dhibaatada ka bixi doonto goortii uu midow dhexmaro dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in shaqooyinka dowlada oo dhan lagu haleeyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, balse uusan garaneynin sababta loo cidleeyay.

Sidoo kale, waxa uu soo hadalqaaday in mudada ay xilka hayaan ay dib usoo saxeen inkabadan 13 sharciyo oo lagu maamulaayo dalka, waxa uuna intaa raaciyay in sharciyada qaar ay yihiin kuwo Wasaaradaha.

Kheyre ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay si dhow ula shaqeeyan dowladooda, iyadoo laga duulaayo dhibaatada uu soo maray dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaaraha ayaa cadeeyay in dowlada Somalia ay lamid tahay mid cuuryaan ah oo u baahan in si dhaba loo garab istaago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News