24.9 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

R/W Kheyre oo sheegay hal arrin oo uu runta ka sheegi doono marka uu hortago QM

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Madaxda caalamka ee martida ku ah Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Magaalada New York uu hordhigi doono xaqiiqda ka jirta Somalia.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre sheegay in adduunka oo idil uu indhaha ka qabsanaayo wax ka bedelka xaalada dhabta ah ee ka jirta Somalia, waxa uuna cadeeyay inuu xooga saari doono muujinta dhibta hortaagan Somalia.

Waxa uu Kheyre xaqiijiyay in Somalia aysan weli cagta saarin dhabihii loogu tallo galay, maadaama ay iminka kasoo baxday burbur sanado jirsaday.

”Madaxda adduunka ee martida ah mid mid ayaan ugu bayaanin doonaa waxa ka jira Somalia iyo hanaanka ku haboob in loo daweeyo waayo waxaan dooneynaa isbedel maadaama aanu heysan dhaqaale nagu filan”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in xooga ay saari doonaan Siyaasada, Amniga, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo uu sheegay inay muhiim u tahay Somalia.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ilaa iyo hadda magaalada New York kulamo kula qaatay ilaa Shan Diplumaasi oo heer caalami ah kuwaa oo qaarkood wakiilo u ah dalalkooda.

Geesta kale, Kheyre ayaa ballanqaaday in shirka New York uu albaabo xiran u furi doono Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay u muuqato hormar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News