26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

R/W Kheyre oo u hanjabay shaqisyaad hub waa weyn ku dhex haysta Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlgalada lagu uruurinaayo Hubka waaweyn ee la isticmaalo xiliyada colaada.

Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay si cad uga soo horjeedo in gudaha magaalada Muqdisho lagu isticmaalo Hubka waaweyn oo ay wataan madaxda qaar iyo ciidamada dowlada.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay ogol yihiin keliya Hubka uu ugu weyn yahay AK47, wixii ka weyna ay ka qaadi doonaan shaqsiyaadka ku dhex wata magaalada.

”Ma ogolin in magaalada lagu dhexwato ciidamo farabadan iyo Hubka waaweyn ee mamnuuca ka ah in lagu dhex isticmaalo magaalada”

”Hubka waaweyn waxaa loogu tallo galay furumaha dagaalka, magaalada Muqdisho ma joogo cadow muuqda oo loo isticmaalayo Hubka sida dabajeexa iyo dhashiikaha”

”Mas’uuliyiinta iyo Taliyayaasha wata Hubka waaweyn waa inay xareeyan, kuwa aan xilalka ka heyn dowlada waxaan ka dalbaneynaa inta aan looga dhex qaadin wadada inay ku wareejiyaan hay’adaha amniga dowlada”

”Hay’adaha amniga iyo ciidamadu waxa ay amar u qabaan inay hubka waaweyn ka dhigaan cid waliba oo wadata mudadii aan u qabanay wey dhamaatay waa in la qadariyaa dalabka dowlada”

Waxa uu Kheyre sheegay in Hay’adaha amaanka ay hal hal uga xisaabin doonaan Hubka laga qaado mas’uuliyiinta iyo Taliyayaasha kale.

Geesta kale, waxa uu shaqsiyaadka wali heysta Hubka waaweyn ugu baaqay inay ku wareejiyaan Hay’adaha amniga ka hor inta aan laga qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News