Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaaday shir jaraa’id oo uu Raiisal Wasare Cabdi Farax Sacid ku qabtay xafiiskiisa, isagoona uga warbixiyay arrimo badan.
Raysal wasaaraha ayaa ka hadlay mudaddii uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadii uu la kulamay, waxuuna maanta daaha ka qaday in ay jirto koox yar oo damac gaar ah leh khatarna ku ah jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya.
“Baarlamaankii iyo Qaar ka mid ah golahayga wasiirada waa layga afduubtay, wax kasta oo dhacaana waxaan u joogayaa danaha dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri raysal wasaare Saacid.
” Waxaan u tagay guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan u sheegay in aan khudbad u jeediyo baarlamaanka, si aan u difaaco xukuumadeeda oo la soo eedeeyay, wax jawaab ah kama helin markii dambana waxaan naloo sheegay fariin ah in aan imaan karo” ayuu yiri.
Raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in uu ku qanacsan yahay go’aanka ay qaataan xildhibaannada baarlamaanka oo maalintii labaad ka dooddaya mooshinka laga keenay.
Raysal wasaaraha ayaa caddeeyay in ay jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa kuwaasoo ugu goodiyay in uu meesha ka bixi doono iyagana ay soo laaban doonaan.
Wuxuu sheegay in uu xaq u lee yahay kuwa ka soo horjeeda in uu shaqada ka ceyriyo, wuxuu ku celceliyay in uu awood u lee yahay in dhammaan uu ceyriyo balse wuxuu tilmaamay in arrintaas uu yeelayo siddii loo badbaadin lahaa masiirka dalka.
Raysal wasaaraha ayaa soo bandhigay khudbadii shaley loo diidday in ka jeediyo fadhigga baarlamaanka, wuxuuna sheegay in baarlamaanka looga fadhiyo siddii ay u badbaadin lahaayen masiirka dalka.
Ugu dambeyn, raysal wasaarha wuxuu caddeeyay in aysan jirin wax khilaaf oo kala dhexeeya madaxweynaha, balse wuxuu tilmaamay in ay isku hayaan arrin dastuur.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho