Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda Kheyre ayaaย geeriyooday markii ay rasaas ku fureyn ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa ka tirsan ilaalada Hanti dhawraha qaranka.
Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu daโda yaraa ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo biirtay Baarlamaanka Federaalka.
Haddaba waxana idiin soo gudbineynaa waxyaabihi ugu dambeeyey ee uu qabtay kuwaas oo uu soo dhigay barihiisa bulshada sida Twitterka iyo Facebook oo ay ugu dambeysay warbixin uu Twitterka soo dhigay 6 Saac ka hor dhimashadiisa.