28.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Saacid oo maanta bilaabay safaro uu ku tegayo magaalooyin dalka + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo haatan ah murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Saacid iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi, iyadoo uu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta iyo bulshada kala duwan ee magaalada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saacid ayaa maalmo kadib Caabudwaaq uga sii gudbi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay degmooyinkan, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la tashiyo iyo xogwareysi la yeelan doonna bulshada gobolka oo xilligan wajahaya duruufa adag oo ay abaaraha kamid yihiin.

Saacid ayaa haysta taageero siyaasadeed oo xooggan, kadib markii dhawaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo lagu dhisayo.

Hoggaamiyeyaashan ku midoobay isbaheysigan ayaa la baxay xisbiga “Midowga Haybad Qaran.” Hoggaamiyeyaashan ayaa waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka, oo ay kamid yihiin:

  • Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

- Advertisement -

Read more

Local News