28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Saacid oo si rasmi ah u qiray khilaafka soona saaray war ku aadan arrintaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa si dhab ah u xaqiijiyey warkii ay Caasimada Online daaha ka rogtay shalay subax ee ahaa in khilaaf uu ka dhex oogan yahay isaga iyo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu Saacid sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu yahay mid dastuuri ah, balse aanu ahayn mid siyaasi ah.

Saacid ayaa warsaxaafadeed uu goor dhow soo saaray, waxa uu ku yiri “anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.”

Waxa uu sidoo kale fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu kaga ka hadlay xaalidihii dowladda ay soo martay iyo khilaafkan cusub.

Halkan hoose ka arag warsaxaafadeedka oo idil.

Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed
Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya

- Advertisement -

Read more

Local News