Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo dhanka kale ku taliyay in Soomaalida ay ku baraarugto xaaladaha ka jira caalamka, ayna isku tashato.
Saalax oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay horumar dhaqaale oo la taaban karo iyada oo guul laga gaaray dhanka maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul wasaae ku xigeenka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in hirgalinta nidaam maaliyadeed oo hufan uu kaalin weyn ka qaadanayo xoojinta dakhliga hey’adaha dowladda. Waxa uunna xusay in loo baahan yahay in saldhig looga dhigo maamulka maaliyadda dalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Xukuumadda DanQaran hirgalisay.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay isbeddelada waawayn ee ka dhacay caalamka, isaga oo xusay in wax badan ay soo kordheen, xaaladduna ay faraha ka baxday, sidaas darteedna loo baahan yahay in Somaalida tashato, waxna wada qabsato.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in Soomaaliya ka baxdo faqriga, ayna maanta ka tashato aayaheeda, maadaama aduunku galay xaalad saameyn leh.
“Ninkii tashada oo tiisa ku tashada ayuunbaa samatabaxaya, Soomaaliya haloo gurmado daruuf ayaa haysata howlo ka waawayn ayaa hadda yimid Alamtara waa laysla soo dhaafay” auu yiri Saalax.
Dhankiisa wasiirka maaliyadda oo faah-faahin ka bixiyay warbixin sanadeedka 2024 ayaa sheegtay inay kusoo bandhigayaan guullo waawayn oo ka gaareen nidaamka maaliyadda.
Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale xusay in ka wasaarad ahaan ay xoogga saari doono in Soomaaliya ay gaarto isku filnaan, ayna ka faa’iideysato khayraadka uu Alle ku maneystay.
“Waxaa naga go’an in aan kor u qaadno wax soo saarka iyo hufnaanta nidaamka Maaliyada ee Dalka, si Soomaaliya ay u gaary isku filnaan buuxda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Soomaaliya ayaa haatan saameysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana guusha ay ku timid dadaalkii la geliyay barnaamijka deyn-cafinta oo guul wayn laga soo hoyay.