Makkah (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga magaalada barakeysan ee Maka, xilli lagu guda jiro xajka sanadlaha ah.
Muuqaallo ay baraha bulshada ku baahisay wasaaraddu ayaa muujinaya diyaarado nooca Helicopter ah iyo nidaamyo casri ah oo difaaca hawada ah oo la geeyay agagaarka Masjidka Xaramka. Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in ciidanka difaaca cirka ay “isha si aan libiqsi lahayn uga hayaan” amniga martida Ilaahay.
Nidaamka Patriot oo lagu arkay Makkah
Mid ka mid ah sawirrada la baahiyay ayaa si gaar ah u muujinaya nidaamka difaaca gantaalaha ee American Patriot MIM 104 oo la dhigay meel u dhow xarunta Sacudiga Clock Tower, taasoo ka ag dhow Masjidka Xaramka.
Diyaarad Helicopter ah ayaa sidoo kale lagu arkay iyadoo dul wareegaysa hareeraha masjidka, taasoo ah qayb ka mid ah korjoogteynta cirka ee magaalada barakeysan. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dad lagu qiyaasay hal milyan iyo bar ay kasoo qeyb-galeen xajka sanadkan, taasoo sare u qaaday baahida loo qabo sugidda amniga guud ee Maka.
Nidaamka Patriot MIM 104 oo ay soo saareen shirkadaha Raytheon iyo Lockheed Martin, ayaa ah mid si gaar ah loogu talagalay ka hortagga weerarada cirka sida gantaallada ballistic-ga, cruise-ka iyo duqeymo kasta oo hawada ah.
Raadaarkiisa casriga ah ayaa awood u leh inuu bartilmaameedyo badan hal mar go’aamiyo, isla markaana si deg-deg ah uga falceliyo khataraha soo food saara goobaha muhiimka ah.
Xaqiijinta amniga xujeyda xilliga Xajka
Warbixin laga helay shir jaraa’id oo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la diyaariyay nidaam amni oo dhammeystiran si loo sugo nabadda xujeyda.
Agaasimaha guud ee Amniga, Sarreeye Guud Maxamed Al-Bassami, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay dadaal badan ku bixisay in xujeyda ay helaan deegaan ammaan ah, habeysan, oo ay si nabad ah ku gutaan waajibaadka diimeed.
Amniga xajka ayaa waxaa lagu saleeyay maareynta dadka, taraafikada, xaaladaha degdegga ah iyo kala dambeynta guud. Dowladda Sacuudiga waxay sidoo kale shaacisay in la kordhiyay tirada ciidamada suga ammaanka iyo qalabka ay adeegsanayaan si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada lagu garto khataraha suurta-galka ah.
Arrimahan ayaa dooddo ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo su’aallo laga keenay sababta dhabta ah ee keentay in Makkah la geeyo nidaamyada difaaca culus xilliga Xajka. Dadka qaar ayaa waxay sheegeen in tani la xiriirto cabsi laga qabo weerarro ka yimaada dagaal-yahannada Xuutiyiinta Yemen.
Inkasta oo Xuutiyiintu ay iska fogeeyeen eedeymaha weerarada Makkah, haddana Sacuudigu hore ayuu ugu eedeeyay inay weerarro horey u qorsheeyeen.
Si kastaba, Tallaabadan difaac ee Makkah ayaa muujinaysa sida ay Dowladda Sacuudiga uga go’an tahay sugidda ammaanka goobaha barakeysan ee Muslimiinta iyo ilaalinta martida Ilaahay.