Deni iyo Swan oo kulan ku yeeshay Boosaaso + Sawirro

Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ka dhacay hoyga madaxweynaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

Qaramada Midoobey ayaa bogaadisay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuraleyda Calmiskaad.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay amniga guud, mashaariicda horumarineed, iyo arrimaha bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Dagaalka Daacish

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ciidamada maamulka Puntland ay ka wadaan buuraha gobolka Bari ayaa si habsami leh u socda, iyada oo laga gaaray guulo waaweyn.

Dagaalkan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qaybgalaya saaxiibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka, oo duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland.

Ciidamada ayaa maalmihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

Ciidamada ayaa talisyada ay gaareen ka helay hub, rasaas, agab militari, iyo raashin ay ka carareen maleeshiyaadka argagixisada ee Daacish.

Sidoo kale, xarumaha lala wareegay waxaa ku jiray goob lagu tababari jiray dagaalyahannada cusub ee kusoo biiraya maleeshiyada kooxda, iyada oo ciidamada ay dhammaan gacanta ku hayaan xarumahaas iyo agabka ay ka carareen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dagaalka hoggaaminaysa.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan ku dhawaaqday wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, kaas oo ujeedkiisu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu weyn ee kooxda.