28.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Saciid Deni oo isagoo careysan soo hadlay: Waa fal-dambiyeed…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo goordhaweyd ka hadlay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan kuwa maamulkaas ayaa si caro leh uga jawaabay tallaabadii ay saaka qaaday dowladda dhexe oo dib uga celisay hawada Muqdisho ciidamo ay iska soo hormariyeen isaga iyo madaxweynaha  Jubbaland.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro wayn ay sameysay Dowladda Federaalka, isla markaana la’iskula xisaabtami doono falkaasi.

“Saakay markaan Garowe kasoo baxnay ciidamadii hordhaca ahaa ee wafdiga dowladda Puntland Xamar uga qeyb-geli lahaa shirka lagu igmaday iyo howl-wadeennadii madaxtooyada oo maanta safar u galay iyagoo dhex hawada maraya ayaa lasoo celiyay diyaaraddooda. Waxaa dhacday mas’uuliyad darro” ayuu yiri Saciid Deni

Sidoo kale, wuxuu arrintan ku tilmaamay fal-dambiyeed iyo isku day dil oo ay ku kacday dowladda dhexe, balse dib wax la’isaga waydiin doono, sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaaradda oo hawada mareysaa dib loo soo celiyay. Waa fal-dembiyeed iyo isku day dil oo laga xisaabtami doono waqtigeeda.” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaad ogtihiin muddadii u dambeysay waxaan ka qeyb galnay shirkii magaalada Kismaayo ka dhacay ee looga hadlayay dalka sidii loo xasilin lahaa oo doorasho loo dhan yahay loo geli lahaa. Intiinna halkan fadhida kama war qabtaan”.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay qiimeyn doono xaalka, isla markaan waxa la gudboon ay gadaal kasoo sheegi doonto.

Si kastaba, berri oo Isniin ah ayaa loo qorsheeyay in wada-hadal uu u bilowdo Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, hadana waxa soo baxaya caqabado sii kala fogeyn kara dhinacyada, xilli lagu jaro xaalad kala guur ah.

- Advertisement -

Read more

Local News