Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa maanta qaaday dhammaan xayiraadihii saarnaa isticmaalka hawadeeda, taasi oo u muuqata iny tahay astaan ay ku wanaajineyso Israel kahor booqashada madaxweynaha Mareykanka oo halkaas tegaya maanta.ย
Madaxweyne Joe Biden ayaa soo dhoweeyey โgoโaankan taariikhiga ahโ oo ah tallaabadii ugu dambeysay ee wanaajin oo Riyadh ay u qaado dalka Yahuudda.
Maamulka Duulimaadyada Rayidka ee Sacuudiga โayaa ku dhowaaqday in hawada Sacuudiga ay u furan tahay diyaarad kasta oo kasoo baxda shuruudaha isticmaalka hawada,โ ayaa lagu yiri bayaan lasoo dhigay twitter-ka
Goโaankan ayaa la qaaday โsi loo kordhiyo dadaallada boqortooyada ay ku xoojineyso booskeeda ah inay tahay marin isku xira saddex qaaradood.โ
โGoโaankan wuxuu ka dhashay diblomaasiyadda joogtada ah ee madaxweynaha ee ku wajahan Sacuudiga oo muddo bilo ah laga shaqeynayo taasi oo miro dhalkeeda uu noqday booqashada maanta,โ waxaa sidaas yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.
Ka hor booqashada Biden ee Bariga Dhexe oo uu Arbacadii ka billaabay Israel, Washington ayaa tusmeysay inay dalal kale oo Carab ah ay qaadi karaan tallaabooyin ay xiriir kula sameysanayaan Israel.
Sacuudiga ma aysan muujin wax diidmo ah oo ku wajahan markii dalalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay xiriir la sameysteen Israel 2020-kii, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Abrahams Accord.
Hase yeeshee, fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa sheegay inaysan u muuqan in Riyadh ay xiriir la yeelan doonto Israel inta lagu guda jiro booqashada Biden ama inta uu weli xukunka hayo Boqor Salman oo 86 jir ah.ย
Biden ayaa goor dambe oo maanta ah gaaraya magaalada Jeddah ee Sacuudiga, inkasta oo uu horey wacad ugu maray inuu boqortooyada ka dhigi doono โgoโdoonโ sababo la xiriira dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.ย
Waxa uu si toos ah uga safri doonaa Israel — isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee duulimaad toos ah isaga gudba Israel iyo Saudi Arabia.ย
Goโaanka maanta kasoo baxay Sacuudiga ayaa si buuxda u qaadaya xayiraadihii diyaaradaha Israel ka saarnaa inay adeegsadaan hawada Sacuudiga.ย
Israel ayaa muddo cadaadineysay inay adeegsato hawada Sacuudiga, si ay usoo gaabiso waqtiga safarada diyaaradaheeda u safra dalal badan oo Asia ah.ย
Masโuuliyiinta Israel ayaa sidoo kale doonaya in Muslimiinta ku nool Israel ay si toos ah ugu safraan Sacuudi Carabiya. Waxaa hadda qasab ku ah inay dal saddexaad soo maraan, taasi oo qarashka ku badisa.ย