26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Sacuudiga oo u xaqiijiyay Aadan Madoobe arrin ay u sameynayaan Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad, kaas oo u xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa labada mas’uul waxa ay diiradda ku saaareen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga siyaasadda iyo horumarka dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ku leeyihiin gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad ayaa boggaadiyay dadaallada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna xaqiijiyay in Sucuudiga ay sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taas oo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.

Si kastaba, Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo muhiim ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda Gargaarka iyo Bani’aadannimada ee Boqortooyada Sucuudiga (KSrelief) ay dhagax-dhigtay mashruuc ballaaran oo 200 oo guri loogu dhisayo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay deegaannada dowlad-goboleedka Jubbaland.

Mashruucan ayaa ujeeddadiisa ugu weyni tahay in hoy loo sameeyo qoysaska guryahoodii ku waayey masiibadii fatahaadaha. Qorshaha mashruuca kuma koobna oo kaliya dhismaha guryaha, balse waxaa barbar socda hirgelinta xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyo weliba dhismaha kaabayaasha nolosha asaasiga u ah sida biyaha iyo waddooyinka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News