27.7 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Sacuudiga oo cambaareeyey shirqoolkii lagu fashiliyey Imaaraadka Carabta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa Arbacadii si kulul u cambaaraysay “shirqoolkii argagixiso ee ujeeddadiisu ahayd in lagu wiiqo midnimada qaran iyo xasilloonida” dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga oo bayaan soo saartay ayaa bogaadisay hufnaanta iyo feejignaanta laamaha ammaanka ee Imaaraadka, kuwaas oo ku guuleystay inay burburiyaan shabakad argagixiso, ayna xiraan xubnaheedii, iyagoo fashiliyay qorsheyaashoodii dambiyeed.

Bayaanka ayaa intaas raaciyay in Boqortooyadu ay si buuxda u garab taagan tahay Imaaraadka Carabta, isla markaana ay taageersan tahay tallaabo kasta oo ay u qaaddo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, iyo weliba la-dagaallanka xagjirnimada iyo argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii mas’uuliyiinta Imaaraadku ay Isniintii xaqiijiyeen xarigga xubno ka tirsan koox xiriir la leh dalka Iiraan, kuwaas oo qorsheynayay falal “argagixiso” oo ka dhan ah dalkaas. Kooxdan ayaa isku dayeysay inay qortaan muwaadiniin u dhashay Imaaraadka, isla markaana ay dhaqaale u leexiyaan hay’ado shisheeye oo “shaki uu ku jiro”.

Waaxda Amniga Qaranka ee Imaaraadka ayaa ku dhawaaqday in la tirtiray ururkaas argagixisada ah lana soo xirxiray xubnihiisii, kuwaas oo la sheegay inay diyaarinayeen hawlgallo argagixiso iyo falal burburin ah oo habaysan.

Sida lagu xusay bayaan lagu baahiyay barta xiriirka bulshada ee X, baaritaannada la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in kooxdani ay xiriir dhow la leedahay nidaamka ‘Wilayat al-Faqih’ (Ilaalinta Fiqiga) ee ka arrimiya dalka Iiraan.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirrada iyo magacyada 27 nin oo eedeysanayaal ah, in kasta oo aan si dhab ah loo shaacin dhalashadooda.

Xubnaha kooxdan ayaa lagu soo oogay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin abuurista iyo maamulidda urur qarsoodi ah, inay xarun uga dhigteen gudaha Imaaraadka, inay daacadnimo u ballan-qaadeen hay’ado shisheeye, iyo inay dhaawaceen midnimada qaran iyo nabadda bulshada dalkaas.

Sidoo kale, kooxda ayaa lagu eedeeyay inay ururiyeen lacago ayna u xawileen dhinacyo shisheeye oo laga shakisan yahay.

Sida ay hay’adaha amnigu sheegeen, eedeysanayaasha ayaa kulamo qarsoodi ah ku qaban jiray ujeeddooyin ay ku doonayeen inay dadka ku qanciyaan afkaartooda, iyagoo isku dayayay inay dhex-galaan jagooyinka xasaasiga ah ee dowladda.

Waxaa intaas dheer in kooxdu ay bartilmaameedsanaysay dhallinyarada Imaaraadka, si ay ugu abuurto afkaar marin-habaabin ah, uguna qorto u-adeegidda dano shisheeye. Waxay sidoo kale kicinayeen dadweynaha si ay uga horyimaadaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo habraacyada gudaha ee dowladda, iyagoo isku dayayay inay sawir xun ka bixiyaan dalka.

Dhacdadan ayaa daba socota hawlgal kale oo bishii la soo dhaafay ay dowladda Imaaraadku ku xirtay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan “shabakad argagixiso”, taas oo, sida sheegtay, xiriir la lahayd Iiraan iyo maleeshiyada Xisbullah ee dowladda Tehran ay taageerto ee fadhigeedu yahay Lubnaan.

- Advertisement -

Read more

Local News