Riydha (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta si kulul uga hadashay weerararka Mareykanka uu ku qaaday Iran, kaas oo sii kordhiyay xiisadda ka aloolsan bariga dhexe, kadib markii uu si toos ah ugu biiray dagaalka, isaga oo la saftay Srael.
Bayaan culus oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa waaxaa marka hore walaac xooggan looga muujiyay weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumo xarumaha nukliyeerka ee dalka Iran, kadib markii ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla dakaasi.
Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa ku baaqday xasillooni deg-deg ah iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta inuu sii xoogeysto dagaalka bariga dhexe.
Sacuudiga ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo in la qaboojiyo xiisada xoogeysaneysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, si looga hortago in xaaladdu ay faraha kasii baxdo.
Tallaabada uu qaaday Trump oo isagu amray weerarka lagu qaaday dalka Iran ayaa durbo dhalisay saameyn xoogan, waxaana dhalatay cambaareyn gudaha iyo dibadda ah.
“Weerarkii Iran ee uu amray Trump isagoo aan fasax ka haysan Congress-ka wuxuu calaamad u yahay khatar weyn oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Waxa uu sii kordhinayaa colaadda; weerarada ciidamada nabad ma keenayaan, kaliya waxay sii hurinayaan rabshadaha socda, waxayna qalqal gelinayaan gobolka oo dhan,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo kamid ah siyaasiyiinta sida wayn u naqdiya Madaxweyne Donald Trump.
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay “Weeraradan waxay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah. Shacabka Mareykanka waxay ka daaleen dagaal aan dhammaad lahayn. Waxaan u baahanahay inaan joojino waalidan, ka hor inta aanan lumin dad badan,”
Ujeedada ugu weyn ee Mareykanku uga qeyb-galayo dagaalkan ayaa ah inuu xoojiyo dadaalka Israel ee lagu doonayo in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran.
Trump oo ka hadlayay weerarkan ayaa sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 Stealth Bombers), balse ma uusan caddayn noocyada bambooyinka la isticmaalay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.
Duqeymahan waa go’aan halis ku ah Mareykanka, maadaama Iran ay ballanqaadday inay aargudan doonto haddii uu Mareykanku si buuxda ugu biiro weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan wuxuu khatar ugu jiraa Trump, maadaama uu horey ugu guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday in uu Mareykanka ka ilaaliyo khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana uu quursaday qiimaha faragelinta Mareykanka.