Riyadh(Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay yareyneyso dhammaan shidaalka ay u dhoofineyso caalamka intiisa kale.
Khaalid Al-faliix oo ah Wasiirka tammarta dalka boqortooyadda Sacuudiga ayaa hadalkaani sheegay xili uu Saxaafada kula hadlaayay magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga.
Khaalid Al-faliix ayaa sheegay inuu socdo qorshaha lagu yareynaayo Shidaal dhoofinta waxa uuna carab dhabay inay sii kordhayaan dowladaha dalabka shidaal usoo dirsanaaya Sacuudiga.
Khaalid Al-faliix, ayaa tilmaamay inay doorbidayaan in shidaalka laga qododo dalka lagu isticmaalo gudaha Sacuudiga si loo dhameystiro baahiyaha ku xeeran shidaalka.
Wasiirkaan u hadlay dawlada Sacuudiga waxaa uu sheegay in qorshahaan xataa ay hor dhigayaan dawladaha aan ku jirin ururka OPEC ee dibbadda shidaalka u dhoofiya sida Rushka.
Dowlada Sacuudiga ayaa ah dowlada ugu badan ee shidaalka u dhoofisa caalamka waxaana xusid mudan in yareynta shidaalka uu saameyn doono inkabadan 16 dal.
Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
[email protected]