Sacuudiga oo saddex dal u maraya xalinta khilaafka Somalia iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa ku howlan qorsho ay ku dhex dhexaadineyso Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta oo ku kala tagay eedeyno la xiriira faragalin xad dhaaf ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa xalinta Khilaafka la kaashaneysa Dowlada Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo xiriir dhow uu kala dhexeeyso Somalia, marka loo eego dalalka kale.

Qorshooyinka xalka loogu radinaayo khilaafka ayaa waxaa ku hormaraaya Sacuudiga iyo Ethiopia, waxaana lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan ay wada kulmaan Dhaxal-sugaha boqortooyada sucuudiga Amiir Maxamed Bin Boqor Salmaan iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Amiir Maxamed Bin Boqor Salmaan, ayaa la filayaa inuu marti galiyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia si ay uga wadahadlaan xal u helida Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Abiy Axmed, ayaa aad usoo dhaweeyay talaabada lagu xalinaayo Khilaafka sii gaamuraaya ee Somalia kala dhexeeya Imaaraadka, wallow Ethiopia qudheeda ay qeyb ka tahay Heshiiska Dekadda Berbera oo uu Khilaafka ka dhashay, inkastoo uu afka juqda gabay.

Amiir Maxamed Bin Boqor Salmaan, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxweynayayaasha Djibouti iyo Kenya oo laga dalban doono inay ku baxaan Khilaafka, waxaana aad loo saadaalinayaa in xal degdeg ah laga gaari doono Khilaafka waa haddii uu kusii socdo qaabka hadda loo raadinaayo xalka.

Qorshaha gu weyn ayaa ah in xal loo raadiyo Khilaafka labada Dowladood oo hakiyay howlo badan oo ka dhexeeyay Dowladaha saaxiibada ah.

Dowladaha Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa horay u sheegay inay muhiim tahay in Somalia ay difaacato xoriyadeeda, waxa ayna ka digeen faragalin Siyaasadeed oo lagu sameeyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogaan Karin sida ay arrintu noqon doonto waxaana suuragal ah in Dowlada Somalia ay ku qanci weydo hanaanka ay Dowladahaasi xalka ku raadinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com