26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Sadex maamul-goboleed oo diiday inay ka qayb-galaan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Oline) – Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug oo soo saaray go’aan culus oo isku mid ah ayaa si cad u diiday ka qayb-galka tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada dalka oo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu shaaciyay inuu bilaaban doono 24-ka January 2026-ka.

Diidmada ka timid saddexdan maamul goboleed ayaa waxa ay sabab uga dhigeen maamul-xumo, isla xisaabtan la’aan iyo taageero la’aan oo ay ku eedeeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah waxaa loogu caddeeyay in xulkooda aanu ka qeyb-gali doonin tartanka ciyaareed ee la shaaciyey in loo qabanayo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, sababo la xiriira qodobbadan hoos ku xusan:

In aan weli laga wada hadlin, lana xallin tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii loo geystay ciyaartooyda Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana aan wax garawshiyo ah laga bixin.

In waqtiga la shaaciyey ee tartanka uusan ku habboonayn, islamarkaana loo baahan yahay tashi guud iyo wada-xaajood buuxa oo ku saabsan arrimahan.

Sidoo kale, Jubbaland oo go’aankan oo kale qaadatay ayaa sheegtay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uusan siin wax taageero farsamo ah, sida tababaro, qalab sports iyo horumarinta ciyaartoyda, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland, Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan).

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sidoo kale xusay in ka qeyb-galka tartanka aan lagu dhisin cadaalad iyo wada-shaqeyn dhab ah, sida uu ku dooday.

Dhanka kale, Xiriirka Kubadda Cagta ee Galmudug ayaa isaguna ku eedeeyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya inuu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisii shaqo, isla markaana uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku maamulo tartanka heer qaran ah.

- Advertisement -

Read more

Local News