Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal argagax leh oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii saddex nin oo walaalo ah lagu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.
Weerarka lagu dilay raggan oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dudumaaye, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saddexda nin ee walaalaha ah xilliga la dilayay ay ku sugnaayeen beertooda halkaas oo loogu tegay, kadibna lagu dhex-dilay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo ka taagan halkaasi, kuwaas oo ay isku gaysanayaan maleeshiyaad wada dega deegaanka.
Sidoo kale, dhacdadan ayaa saameyn ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan aagga degmada Wanlaweyn, kuwaas oo si aad ah uga argagaxay ragga lalaayey.
Wanlaweyn iyo aaggeeda, ayaa waxaa weli ka taagan dagaallo sokeeye, waxaana ahayd dhawaan markii halkaas lagu dilay ugu yaraan 13 qof oo xoolo dhaqaato ahaa, kuwaas oo iyana loo beegsaday aano qabiil darteed.
Dadkaas la laayay waxaa ku jiray Hooyo, Aabe iyo ilmo yar oo ay dhaleen, waxaana dilkooda lala xiriiray aano qabiil oo ka taagan aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Si kastaba, Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdooyinkaasi kusoo laa laabtay gobolka Shabeellaha Hoose.