Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo wareysi siiyay TV-ga Somali Cable ayaa ka hadlay doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya iyo doorashada 2020.
Safiirka ayaa sheegay in doorashada sanadkaan tahay mid ka duwan kuwii hore, islamarkaana ay ku tartamayaan musharixiin badan oo Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa sheegay in dowlada ka dhismi doonto doorashada sanadkaan ay hortaalo shaqooyin badan oo ku saabsan wax ka badalida dastuurka dalka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho hal qof iyo codkii ah.
DOwlada Mareykanka wuxuu sheegay iney diyaar u tahay in Soomaalida ka caawiso dhamaan adeegyada u baahan u baahan yihiin oo ay ugu horeyso gaarsiinta dalka doorasho qof iyo codkii ah.
Ugu dambeyn safiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya siyaasad ahaan uu yahay dal tartan badan uu ka jiro dhanka siyaasadda marka uu la barbar dhigo wadamada kale ee uu kasoo shaqeeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]