29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo dib u bilowday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u billowday howlihii shaqo ee ay ka waday dalka, kadib markii laga gudbay hakadkii muddada socday ee sida weyn u saameeyay shaqooyinka xafiisyadeeda qaarkood.

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in adeegyada hakadka galay dib loo soo celiyay, isla markaana shaqooyinku si caadi ah u socon doonaan wixii hadda ka dambeeya.

Hakadka ku yimid miisaaniyadihii qaybaha kala duwan ee dowladda Mareykanka ayaa sababay in howlo badan istaagaan, iyadoo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka mid ahayd meelaha ugu saamaynta badnaa ee xannibaaddaasi gaartay.

1-dii October 2025 ayey aheyd markii safaaraddu sheegtay in aan wax xog ah la baahin karin inta ay dib uga furmeyso miisaaniyadda, hase yeeshee maanta ayay safaaraddu ku wargelisay in shaqadii dib loo bilaabay.

Arrintaas oo safaaraddu sheegtay inay timid kadib markii dowladda Washington ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.

Si kastaba, waxaa haatan dib usoo laabtay adeegyo badan oo ay safaaraddu caadi ahaan bixiso oo muddo ku jiray hakad, iyadoo markaas si gaar ah diiradda loo saaray oo keliya arrimaha muhiimka u ah ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka.

Safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dalalka dariska ah, sida Itoobiya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale la qabay arrintaan tan Muqdisho, maadaama ay saameysay isla xaaladda xirnaanshaha dowladda dhexe ee Mareykanka.

Xaaladda noocan ah ayaa dhacda marar badan, gaar ahaan marka uu khilaaf ka dhex qarxo Kongareeska iyo Aqalka Cad ee ku saabsan ansixinta miisaaniyadda. Taas oo si toos ah u saameysa shaqaalaha dowladda, adeegyada bulshada, howlaha safaaradaha, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay dunida kale.

Arrimahan ayaa imanaya xilli qaar kamid ah hay’addaha Mareykanka ay shaqo joojin sameeyeen sabab la xiriirta miisaaniyad la’aanta, kadib markii ay saameysay dib u dhaca ku yimid ansixinta miisaaniyadda dalkaasi.

Adeegyada Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa muddo hakad galay, kadib markii Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee Kongareeska Mareykanka ay ku guuldarreysteen inay ku heshiiyaan ansixinta miisaaniyadda.

- Advertisement -

Read more

Local News