31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Safaaradda Masar oo Muqdisho dib looga furayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Masar ayaa shaacisay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka furan doonto safaarad cusub, waana markii ugu horreysay oo in kabadan 20 sanno ay saafad ka furato Soomaaliya.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Maxamuud Cowl,ayaa hadda soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana  uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ayaa la magacaabay bishii June ee sannadkan, waxaana diplomaasigan uu horrey uga soo shaqeeyay waddamo dhowr ah oo ay ku jirto Saudi Arabia.

Dowladda Masar, waxa ay sheegtay in la  dhammeestiray dhismaha safaaradda cusub oo laga dhisaayo meel bannaanka ah caasimada Muqdisho.

Xafaladda furitaanka safaaradda cusub waxaa ka qaybgali doona diplomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka socda Masar waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Kamaal Camar.

Masar waxa ay ku biiri doontaa waddamo badan oo safaarado dib uga furtay caasimada Muqdisho dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News