Safiir uu magacaabay wasiir shaqada laga joojiyey oo mataleysa SOOMAALIYA

Vienna (Caasimada Online) – Safiirad Ebyan Salah Mohamed oo Soomaaliya ugu howl gasha Geneva, ayaa shalay geeysey magaalada Vienna, Austria Warqada Safiirnimo in ay tahey Ergeyada Joogtada ee Soomaaliya ee Vienna, Austria.

Warqadda safiiradda laga gudoomay waxaa ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabbdisaciid Muuse Cali, oo uu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble 24-kii May 2022 kadib eedeymo musuq-maasuq.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, warqadda safiirka waxaa saxiixa Madaxweynaha Jamuurayada Federaalka marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, ama hadii uu isaga go’aansado in uu magacaabo safiir.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in warqadda magacaabista Ebyan ay ku taariikheysan tahay 29-ka March 2022, balse ra’iisul wasaare Rooble markii shaqada ka joojiyey Cabdisaciid uu sheegay inaysan waxba ka jirin dhammaan magacaabistii uu sameeyey wixii ka dambeeyey 1-da Janaayo 2022.

Sidaas darteed, magacaabista Ebyan ayaa isku darsatay in markii horeba aan loo marin nidaam sax ah, haddana xitaa haddii loo mari lahaa lagu nasakhay warqad ra’iisul wasaare oo waxba kama jiraan looga soo qaaday.

Wasiir Cabdisaciid iyo Safiirad Ebyan ayaa ka dhuuntay hanaankaas iyagoo qaaday waddo aan sharci aheyn.

Hadaba: Maxaa la gudboon Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Waxyaabaha waa weyn ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh tiirarka u ah waxaa kamid ah isla xisaabtan iyo waliba ilaalinta dastuurka sida dhowr jeer uu ku celceliyay madaxweynaha iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub.

Soomaaliya ayey sharaf dhac u tahay in qof ku xad dubay shuruucda dalka iyo dastuurka inuu dalka matalo taa oo dhaawac ku ah sharafta Soomaaliya.

Waxaa la gudboon dowladda in 24 saac dalka ugu soo celiso Safiirad Ebyan Salah, si wax loogu weydiiyo sharci iska dhagotirka ay ku dhaqaaqdey iyo in dowlada ay furto baaris ku aadan, sida ay ku dhacdey arrintaan.

Midda kale, Safiirad Ebyan Salah ayaa ah safiirad ilaa 17 sano ku dhow.  Waxaa Safiirad Ebyan Salah soo magacaabey Allah u naxaristee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabbdullaahi Yusuf, weli ma dhicin waxeyna dalka safiir u tahay 17 sano.

Sida caadiga ah 10 sano marku safiirka gaaro waxey dalalka caalamka ku soo xareeyaan dalkiisa si uu wax u baro da’da soo koreysa ee raba in ay noqdaan diblomaasiin mustaqbalka.

Hoos ka arag warqadaha lagu magacaabay Ebyan iyo warqaddii Rooble ku nasakhay magacaabista Cabdisaciid ee kadib 1-da Janaayo 2022.

W/Q: Sarah Haji