Safiirka Mareykanka iyo DF oo lagu eedeeyay inay cuno-qabateeyeen Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee dalka, Donald Yamamoto ayaa lagu eedeyay in Somaliland aysan siin qeybtooda ay ku leeyihiin deeqaha Beesha caalamku ugu yaboohdo Soomaaliya.

Michael Rubin, oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah oo u dooda madax-banaanida ay Somaliland raadineyso, ayaa eedeyntaasi u jeediyay Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka, isagoona ka hadlay qaabka ay Somaliland u wajaheyso cudurka Coronavirus.

Michael ayaa warbixin arrintaasi ka hadleysa ku baahiyay qaar kamid ah Warbaahinta Mareykanka, midaasi oo ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ka go’day 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi.

Rubin ayaa Safiirka Soomaaliya, Yamamoto ku eedeeyay in uu deeqaha Soomaaliya oo dhan u gacan galiyay dowladda dhexe, midaasi oo uga dan leeyahay sidii dowladda federaalku ay gacanta ugu dhigi laheyd maamulada dalka.

Talaabada Yamamoto ayuu Michael Rubin ku tilmaamay mid khaldan oo uu istusay safiirku, xili ay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto, buu yiri “liiska dalalka guul-dareystay,” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu Rubin si weyn u dhaliilay kaalmada dowladda federaalka loogu yaboohay si ay ula dagaasho cudurka Corona, midaasi oo dhameyd sida uu sheegay $240 Milyan, oo aan laga qeyb galin Somaliland.

Rubin ayaa amaan kala dul dhacay Somaliland oo uu sheegay inay cudurka Coronaha u maareysay si wanaagsan, xili ay soo if-baxayaan in Guddiga ka hortaga ee xukuumada Biixi aysan qaadin talaabooyinkii ku haboona.

Somaliland oo iyadu ku dooda inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, ayaa haddana waxa badanaa la arkaa iyada oo ka cabaneysa in qeybteeda la siin deeqaha loogu yabooho dowladda federaalka Soomaaliya.