Safiirka Mareykanka oo soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay diginin culus oo ku aadan doorashada Soomaaliya kadib markii safiir Donald Yamamoto uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga musharaxiinta mucaaradka.

Yamamoto ayaa arrimaha doorashooyinka kala hadlay Musharaxiinta kala ah; Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdinaasir Cabdile Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, oo lasoo dhigay twitter-ka

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

“Waxaan kala hadlay Cabdikariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Cabdinaasiir Cabdille Maxamed, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan baahida deg degga ah ee loo qabo in la helo isu-tanaasul suurta-geliya doorasho lagu kalsoonaan karo oo waqtigeeda ku dhacda. Maya doorasho hal dhinac ah, maya doorashooyin is-barbar socda, maya rabshado,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Digniintan ayaa u muuqata inay si toos ah ugu socoto dowladda federaalka oo qorsheyneysa inay doorashooyin hal dhinac ah ka qabato maamul goboleedyada taageersan.

Dawladda federaalka, maamul goboleedyada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Waxa maalmihii u dambeeyay socday dadaalada ay beesha caalamka ku dhex-dhexaadinayaan dhinacyada isku haya doorashada dalka, inkasta oo uusan weli muuqan isbedel xal u noqon kara ismari-waaga taagan.