28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Safiirka Somalia ee Sudan & ku-xigeenkiisa oo is feeray loogana yeeray Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Muqdisho loogu yeeray safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri yiri “Iyadoo la tixraacayo, arrimaha aan fiicnayn ee naga soo gaarayo safaaradda aad mas’uulka ka tihiin, una dhaxeeya danjiraha iyo la-taliyaha 1-aad, ayaa waxaa la idinku wargalinayaa, in aad dalka kusoo laabataan muddo dhan 4 maalmood oo ka bilaabanaysa 21/02/2020 kuna eg 25/02/2020.”

“Haddaba, waxaa si xushamd ku jirto la idinka codsanayaa inaad dhowrtaan ujeedada kor ku xusan, kuna timaadaan waqtiga la idiin tilmaamay gudahiisa.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray safiir Maxamed Isaaq iyo la-taliye 1-aad Cusmaan Axmed oo loo yaqaan Cusmaan Dheere, 20-kii bishan.

Wararka ayaa sheegaya in safiirka iyo la-taliyaha koowaad uu maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay khilaaf dhanka shaqada safaaradda ah, oo muddo soo socday, kaasi oo ugu dambeyn sababay in la is feero.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in inta danjiraha uu ka maqan yahay safaaradda, uu shaqada sii wadi doono Mudane Axmed Ismaaciil Xuseen – La-taliyaha 2-aad ee safaaradda.

Hoos ka aqriso warqadda loogu yeeray labada mas’uul 

- Advertisement -

Read more

Local News