24.3 C
Mogadishu
Wednesday, August 20, 2025

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in Somaliland aysan ‘xaq u laheyn aqoonsi’

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkey u fadhiyey Soomaaliya, Dr. C.kani Torun, ayaa soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Hadii qabiil dowlad noqon karo Afrika waxay yeelan leheyd 500 oo dowladood.”

Wuxuu si toos ah uga hadlay aqoonsiga ay raadineyso Somaliland, isagoo yiri “Madax-banaanida Somaliland maaha mid waaqici ah marka la eego isir ahaan, diin ahaan iyo luuqad ahaanba.”

Wuxuu sheegay in uusan jirin farqi u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo caddeeyey in uu taageersan yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliya aan la kala jarin.

“Ma jiro farqi u dhexeeya Somaliland iyo qaybaha kale ee Soomaaliya marka la eego shuruudaha sare,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkey u joogay Soomaaliya.

Diblomaasi sare Torun, ayaa sheegay inuu hal farqi ka jiro Soomaaliya, kaas oo ah qabiilka, taasna wuxuu sheegay in federaalka ka jira Soomaaliya lagu xalin karo.

“Waxaa jira hal farqi oo kaliya kaas oo ah qabiilka iyo federaalka ayaa si fiican ugu habboonaan lahaa. Haddii qabiil walba uu helo dowlad madax-bannaan, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 oo dawladood,” ayuu yiri Danjire Torun.

Wuxuu intaas ku sii daray, in mushkiladda ugu weyn ee Soomaaliya iyo Somaliland haysata ay tahay Muqdisho.

“Haddii Muqdisho ay xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira qaybaha kale ee Soomaaliya, Somaliland ma lahaan lahayd dacwad adag oo ku saabsan madaxbannaanida,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.

Danjire Turon, ayaa qoraalkaan oo uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku soo gabagabeeyey, “Markaa Somaliland in la eedeeyo waxba ma tarto, Xamar aynu ka dhigno mid shaqaynaysa.”

- Advertisement -

Read more

Local News