Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti oo la geliyey xaalad deg deg ah

Jabuuti (Caasimada Online) – Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa la geliyey xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah oo looga gol leeyahay taxaddar, kadib markii ay sare u kaceen kiiska cudurka Coronavirus ee dalkaas.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee howl-galka Geeska Afrika Michael Turello ayaa bayan uu soo saaray ku sheegay in “tallaabadan taxaddarka ah” ay siineyso awood dheeri ah oo uu kula tacaalo faafitaanka cuudrka COVID-19.

“La-dagaalanka COVID-19 waa ahmiyaddeyda koowaad,” waxaa sidaas yiri Turello.

“Ku dhowaaqisa xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah, waxay ciidamadeena iyo kuwa dalka na marti-geliya ka dhigeysaa sida ugu caafimaadka iyo bad-baadada badan, uguna macqluusan.”

Bayaankan laguma sheegin in wax kiisas Coronavirus ah laga helay ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee ku sugan dalka Jabuuti.

Ciidamada Mareykanka ayaa Jabuuti ku leh laba saldhig oo kala ah Camp Lemonnier Djibouti iyo Chabelley Airfield, iyo dekad yar.

Jabuuti oo ah dalka ku yaalla marin muhiim ah oo laga galo badda cas, ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 985 kiis oo COVID-19 ah, taasi oo 400 ka badan kiisaskii toddobaad un ka hor.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in 5,901 oo kiis oo Coronavirus ah laga helay ciidamada Mareykanka, shaqaalaha rayidka ah iyo qoysaskooda ku kala sugan caalamka oo dhan, iyo 25 dhimasho.

AFP + VOA