Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.
Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo Afgarashadiisu u aheyd Cali iyo Siyaaf iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed oo isna afgarasho u aheyd Nasru-diin iyo Saabir, waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.
Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.
Saleebaan Siyaaf iyo Cabdulqaadir Nasru-diin ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.
Sidoo kale waxaa lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho, waxaana horay loo baahiyay muuqaallo ay ku qirteen dambiga lagu helay.
Dhawaan Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale u toogatay lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdulllahi (Abtiga), Xassan Cali Xuseen (Garaad), Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), kuwaas oo iyana ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna helay dilal iyo qaraxyo ay gaysteen.
Maxkamadda Ciidamada ayaa mar kale haatan dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.