27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu dardar-gelinayo dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa xalay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle kulan gaar ah kula yeeshay degmada Moqokori, isaga oo kala hadlay xoojinta halganka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sidoo kale agaasimaha NISA ayaa odayaasha u la kulmay uga mahadceliyay sida ay door muuqda uga qaateen howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta.

Waxaa kale oo uu ka ballan-qaaday in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan kasta leh, si uu usii socda dagaalka, loona soo afjaro argagixisada.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa agaasime Sanbaloolshe uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Al-Shabaab, kana difaacday deegaankooda.

Odayaasha ayaa sidoo kale si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo dagaallo qaraar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo maalin kahor ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Si kastaba, Dagaalka oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse shalay ayaa uga sii darneyd oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda, sida ay muujinayaan muuqaallada la baahiyay.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News