Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland lagu dilay Sargaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland.
Dilka Sargaalka ayaa ka dhacay Xaafadda Faluuja ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana fuliyay maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado.
Sargaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Xaaji Cariish, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland sida ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.
Dilka kadib waxaa goobta ka baxsaday Kooxdii dilka geystay, waxaana ku raad jooga ciidamada maamulka.
Deegaanada maamulka Puntland ayaa bilihii danbe marti galineysa dilal iyo Qaraxyo lala eeganaayo ciidamada iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]