Sarkaal ka tirsan ciidanka militariga Somalia oo lagu dilay degmada Waaberi

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culosow “Cabdi Madoobe” waxaana lagu dilay xaafad ku taala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday halka uu dilka ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaan in labo kamid ah ilaaladiisa ay ka maqnayeen Cabdi Madoobe markii la dilayay.

Cabdi Madoobe, ayaa mar isku soo sharaxay guddoomiyaha degmada Waaberi, waxaana uu caan ka ahaa xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, iyadoo dadkii dilka geystay aanan la ogaan ilaa iyo hadda.

Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in ciidamo ka baxay saldhiga degmada ay wadaan baaritaanka la xiriira sida dilka uu u dhacay.

Caasimada Online
Xafiisa Muqdisho
Caasimada@live.com