Sarkaal ka tirsan dowlada oo lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysnaa ay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Militariga Somalia.

Dilka Sarkaalkan ayaa ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Farxaan Xuseen Barqadle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Militariga, waxa uuna dilkiisa si gaara uga dhacay Xaafadda Jaamacadda Gaheyr.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii ka danbeeyay dilka,iyadoo ay wakhti dambe halkaasi tageen ciidamada dowladda.

Dilka kadib Ciidamada dowladda ayaa hawlgal aan sidaasi u buurneyn ka sameeyay Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda Jaamacadda Gaheyr ee sarkaalkaasi lagu dilay.

Dhinaca kale, dilka Sarkaalka ayaa kusoo beegmaaya, iyadoo xalay Degmada Hodan laga sameeyay hawlgal ballaaran oo ciidamada ay ku baarayeen guryaha, dhalinyaro badana ay ku soo qabteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com