Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa haatan guda gashay kiis xasaasi ah oo ka dhan ah Shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo howlgal lagu soo qabtay, waxaana ku jira Injineer u qaabisanaa farsameynta qaraxyada waa waayn.
Shabakaddan oo ka koobnaa dhowr qof ayaa waxaa hormuud uu ahaa Cabdiraxmaan Maxamuud Ilkacase oo ah Injineerka lasoo qabtay iyo Nuur Muxudiin Jibriil oo qaraxyo Muqdisho kusoo gelin rabay gaari dameer, balse ay gacanta ku dhigeen ciidanka amniga.
Gaari dameerka ayaa lagu qabtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan aagga degmada Balcad, iyadoo ay saarnaayeen 7 bam-gacmeed iyo 8 miino nooca dhulka lagu aaso, iyada oo sidaas lagu qabtay eedeysanaha waday qaraxyadaas, kahor inta uuna soo gelin caasimada.
Cabdiraxmaan Maxamuud Ilkacase oo ah ninka ugu halista badnaa shabakaddan ayaa sheegay inuu Al-Shabaab uga biiray gobolka Hiiraan, isla markaana loo soo wareejiyay Muqdisho, si uu howlgal uga fuliyo, balse waxaa dhagartiisa fashiliyay Nuur Muxudiin Jibriil oo uu kula noolaa gurigiisa, waxaana marka la qabtay Nuur iyo gaari dameerkiisa uu laamaha amniga u geeyay Ilkacase oo diyaarin lahaa qaraxyada oo isna sidaas lagu soo qabtay.
“Aniga ninkan waa laygu soo xiray waxaa la’ii dhahay magaaladaas ayaan lagu gaynaa bal soo kala baro xaalkeeda soo fiiri in magaalo shaqo lagaaga diri karo ay tahay in kale” ayuu yiri Ilkacase oo ka hor hadlay Maxkamadda Ciidamad Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Intaas kadib waxaa isna la wareystay sarkaalka soo qabtay eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Qooje, wuxuuna ka sheekeeyay qiso dhex-martay isaga iyo Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay lacago kumaan dolllar ah kusii daayaan Ilkacase, markii la qabtay.
“Ninkan marka la qabtay wuxuu yiri aniga macno ayaan leeyahay ii ogolaada ninka odeyga ah inaan wacdo dhaqaale aan bixinaa, waana i gadahaa wax allaale waxa ay gaarto fursad ayaa loo siiyay ninkii wuxuu ku yiri waa gacan galay, kadib wuxuu yiri iigu dhiib nimanka kula jiro anaa laygu dhiibay waa la hadlay wuxuu igala hadlay lacag waxay ka bilaabatay 10 kun, waa socotay 20 aya y gaartay waa socotay 50 ayay ku dhawaatay” ayuu yiri Qooje.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax walba waa la’iska fahmay shuruud ayay imaatay see isku aamineynaa? wareeg ayuu galay ninkii waa la’is fahmi waayay anne kuma qaano, adne ima taqaanid ayay ku dhammaatay”.
Qooje oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wada-hadalkaas oo ay la socdeen saraakiisha kale ee ka sarreysa la’isku fahmi waayey, kadibna Al-Shabaab ay u socon waysay qorshaheeda, si loogu daayo Ilkacase oo muhiim u ahaa, maadaama uu ahaa Injineer qaraxyada u diyaara kooxda oo muddo dheer lasoo shaqeynayay.
“Marka dambe waxa uu yiri xarash iyo madax ayaan galaa lacag 15 kun ah ayaan kuu soo shubaa ee soo daay ninka Ilkacase, yarka kale iyo dameerka isku qaado haddane wixii waa la’isku qaadi waayay warkii illaa saraakiishii waa nala socotaa wixii inayna suurtagal ahayn ayay arkeen oo cabsi badan ay qabaan waa lagu kala socday” ayuu mar kale yiri Qooje.

