Saudi Arabia oo wajahaysa HALIS uga soo socota dimoqraadiga Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaysa halis cusub, kadib markii ay sarre u kacday rabitaanka Dimuquraadiyiinta Mareykanka, ee ay ku doonayaan in lagu soo rogo cunaqabteyn.

Dimuquraadiyiinta Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay inay hogaamiyaan olole xoogan oo ka dhan ah Sacuudiga, kaasi oo ay ku dalbanayaan in Boqortooyada la saaro cunaqabateyn ama laga qaado talaabooyiin adag.

Dacwadan Dimuquraadiyiinta ayaa salka ku haysa dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ee lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga iyo dagaalka lagu hoobtey ee Sacuudiga ka bilaabay Yemen.

Waxa sidoo kale ololaha Dacwadeed ee Dimuquraadiyiinta Mareykanka ka qeyb ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo raba in Dowladda Sacuudiga arrimahaasi darteed looga qaado talaabo adag.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa inta badan waxa ka dhaxeeya xiriir sare oo diblomaasiyadeed, kaasi oo uu Trump u arko mid faa’iido badan u leh dowladda Mareykanka.

Musharaxiinta Dimuquraadiga Mareykanka ee hadda hogaamiya ayaa iyaguna qaba in uusan muhiimad weyn laheyn xiriirka Sacuudiga ee Mareykanka, sida ay dhowr jeer ku muujiyeen hadaladooda iyo khudbadaha qaar.

Dowladda Sacuudiga ayaa iyaduna waxay qabtaa wal-wal xoogan oo ku aadan qofka ku guuleysan doona doorashada Mareykanka haddii Madaxweyne Donald Trump uu lumiyo doorashada soo socota ee November 2020 ama ka horba la casilo.