25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Beesha caalamka oo war kasoo saartay shirki ku fashilmay Garoowe iyo wixii ay lasoo kulmeen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi caalami ah oo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa soo gabagabeeyay booqasho sadex maalmood qaadatay oo ay ku gaaren deegaanada maamulka Puntland.

Wafdigu wuxuu ka koobnaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Michael Keating, iyo wakiillo sare oo ka kala socda Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Itoobiya, Dowladda Talyaaniga, Dowladda Sweden, Dowladda Uganda, Dowladda Maraykanka, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska.

Ka hor inta aysan kasoo ambabixin wafdigu wuxuu la kulmay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Guddoomiyaha iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, madax dhaqameedyo iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka, iyo kuwo kale.

Wafdigu wuxuu soo dhoweeyay dowrka muhimka ah ee madaxda siyaasadda maamul goboleedka iyo kaalinta aan caadiga ahayn ee ay ka qaateen soo if-bixidda Somalia oo midaysan, oo federaal ah.

Wakiiladu waxay walaac ka muujiyeen go’aanki ay dhowaan soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nooca doorasho ee la dhaqangelinayo dhammaadka sanadkan.
beesha caalamka
Xubnaha wefdiga caalamiga ah ayaa garwaaqsadeen in nooca doorasho ee 2016 aanu ahayn mid dhammeystiran oo buuxa laakiin waxay sheegeen haddii ay doorashu u dhacdo si caddaalad ah oo daah-furan, waxay ka dhigantahay tallaabo horay loogu qaaday waddadii loo mari lahaa doorashooyin qof iyo codkiisa ah oo loo wada dhanyahay oo la qabto sanadka 2020.

Saaxiibada beesha caalamku waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in laga gudbo matalaadda ku salaysan qabiilka iyo in la horumariyo hanaanka demoqoraadiyaynta Soomaaliya.

Saaxiibadu waxay ballanqaadeen inay taageeraan khariidada siyaasadeed oo lagu gaarayo yididiilada dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan yoalkan.

Xubnaha wefdigu waxay qireen horumarka Puntland ay ka gaartay horumarinta xasilloonida siyaasadeed iyo midda amniga iyo gacanta ay ka geysatay soo if-bixidda Soomaaliya oo federaal ah.

Waxay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya xilligan muhiimka ah ee kala-guurka siyaasadeed iyo guud ahaan hanaanka dhismaha nabadaynta iyo dowlad-dhisidda.

Xigasho: UNSOM

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News