25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawir: Madaxweyne Caan ah oo ku dhex hurday Xarunta Baarlamaanka xili uu socday isla xisaabtan adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta dalka South Africa ayaa baahisay Sawiro muujinaaya Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma oo ku dhex hurdaaya Xarunta Baarlamaanka.

Madaxweyne Jacob Zuma, ayaa kaamirada qabatay isagoo hurdaaya xili uu Khudbad jeedinaayay Wasiirka Maaliyadda ee waddankaas Pravin Gordhan.

Pravin Gordhan, ayaa Khudbadiisa uga hadlaayay miisaaniyadda, oo dhowr jeer ay dalbadeen Xildhibaanada Baarlamaanka in la horkeeno.

Sababta ugu weyn ee Miisaaniyada loo dalbaday ayaa aheyd su’aalo ka taagan lacagaha waxbarashada lagu bixiyo, iyo wasiirka oo qudhiisa muran siyaasadeed lugaha la galay, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa xarunta ku dhex hurday intii ay soctay Khudbada oo aheyd mid aad u dheer.

Safxooyinka hore ee Wargeysyada kasoo baxa dalkaasi ayaa waxaa lagu soo daabacay Jacob Zuma oo indhaha is gishtay waxa ayna taasi niyad jab galisay shacabka dalkaasi oo iyagu dareemay in Madaxweyne Jacob Zuma uusan u jilicsaneyn ogaanshiyaha Miisaaniyada dalkaasi oo la hubiyo misna la gorfeeyo.

Dowladu wax war ah kama soo saarin Hurdada dheer ee uu galay Mr Jacob Zuma.
jacob-zuma

- Advertisement -

Read more

Local News