26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawir: Taliska AMISOM oo ka hadlay Askari iyaga ka tirsan oo lagu baaray Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)– Taliska Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Sawir lagu baahiyay Baraha Bulshada ay Soomaalida ku kulmaan.

Sawirka uu Taliska AMISOM ka hadlay ayaa ahaa Askari ka tirsan Booliska Somalia oo baaraya Askari kale oo ka tirsan AMISOM.

Qoraal kooban oo lagu daabacay beejka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaanka lagu sameeyay Askariga AMISOM uu yahay mid taxadar leh.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanka Askarigooda ay muujineyso feejignaan, waxaana lagu sheegay in Amniga Xarunta ay dhaarinta ka dhacday uu ahaa mid sareeyay.

Askarigaani ka tirsan AMISOM ayaa xiliga baaritaanka lagu sameynaayay doonaayay inuu ka qeybqaato Amniga Xarunta dhaarinta.

- Advertisement -

Read more

Local News