Sawirka iyo goobta ay maanta tageen Xasan Sheekh iyo Abiy ee shakiga abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki iyo hadal heyn badan ayey abuurtay booqashadii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay maanta ku tageen xeebta Liido, iyadoo halkaas looga qaaday sawir ka saameyn batay wax kasta oo maanta dhacay, dadkuna ay siyaabo kala duwan ugu faaqideen baraha bulshada.

Siyaasiyiinta sida qotada dheer u cabiray dareenka laga akhrisan karo sawirkaas waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xasan Sheekh ku tilmaamay masuul aan u dhaqmeyn sidii laga rebay hoggaamiyaha Soomaalida u jooga xafiiska uu joogo.

Sidoo kale, Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh ku eedeeyey “Khayaano Qaran.”

Arrinta kale ee maanta laga argagaxay waxay dhacday markii ciidamada ammaanka ee labada masuul ay toogteen wiil yar oo badda ku dabaalanayey, kaas oo sida la sheegay ay uga shakiyeen in dhankooda uu u soo orday, dhiigga wiilkaas oo geeriyooday ayaa ku darsamay biyaha badda oo gaduud noqday.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya si cad ugama laaban sheegashadiisa Badda Soomaaliya, kamana uusan bixin raaligelin, sidaas darteed soodhaweyntii weyneyd ee Xasan Shiikh uu Xamar ku soodhaweeyey Abiy Axmed waxay ka dhigantahay bahdil weyn oo Soomaalida lagu hayo. Xasan arrintaan ujeedada kaliya ee uu ka leeyahay waa inuu Abiye ka helo taageero uu ku qabsado Jubbooyinka. Tani waa Khiyaano Qaran.”

CC Shakuur ayaa ka soo sheekeeyey sidii Xasan Sheekh uu arrimaha Itoobiya u wajahay sanadihii lasoo dhaafay oo 2024 ay ugu dareyd iyo sidoo kale heshiisyo uu la galay Itoobiya oo aan miro dhalin.

“Madaxweynaha, maanta wuxuu inoo sheegayaa in ay Itoobiya walaal tahay, wax kastana iska kaashanayno, waa su’aale; soo shacabkii uu shalay kiciyey, kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo, una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan CC Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan wuxuu hoosta ka xariiqay labo qodob oo kala ah:

1- In uu shacabka yaraysanayo, danna ka lahayn waxay ka aaminaan go’aannadiisa is burinaya, maadaama aysan lahayn awood ay kula xisaabtamaan, hay’adihii kale ee dowladdana la dhufaanay.

2- In uusan kala garanaynin farqiga u dhexeeya isaga shaqsiyaddiisa iyo hay’adaha dowladda ee loo wakiishay in uu hoggaamiyo oo uu isku maleeyo in uu isagaba dowladdii yahay.

Dadweyne badan ayaa falanqeeyey sawirkii maanta ay labada masuul ku galeen xeebta iyo si guud booqashada uu Abiy ku yimid Muqdisho, su’aalaha ugu badan waxay ku saabsanaayeen sababta xeebta Liido loo geeyey oo badda loo tusay.

Hoos ka eeg sawirada Abiy looga qaaday xeebta Liido