Sawirro: Muxu ahaa hadalkii qiirada lahaa ee uu Jawaari maanta u sheegay dhallinyarada ku jirta BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed u muujiyey sida ay uga go’an tahay in wadanka la gaarsiiyo horumar iyo kala dambeyn  kadib markii uu  kulan la qaatay Xildhibaanada Dhalinyarada ah ee ku jira Golaha shacabka.

Kulankaan oo uu ujeedkiisa ahaa sidii wadanka loo hagi lahaa mustaqbal fiicana loo gaarsiin lahaa sidoo kalana ay dhallinyarada baarlamaanka ku jiro kaalintooda u qaadan lahaa ayaa waxaa halkaas qudbad qiiro leh ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan jawaari.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa intiisa badan uu ahaa dardaaran ayaa dhalinyarada ku dhiirageliyey inay ka shaqeeyaan horumarka wadankooda isagoo u sheegay inay yihiin hoggaanka beri ee Soomaaliya.

“ Waxaad tihiin awoodda iyo xoogga Baarlamanka, waxaad ka tihiin Mas’uul dhalinyaradeena badaha ku dhamaanayo, kuwa qoryaha wato, kuwa aan waxbarashada heysan, waad inaad raadisanaa xaqqa ka maqan dhallinyaradaas” ayuu jawaari u yiri.

“ Aniga dardaarankeyga ugu muhiimsan waa inaad iska ilowdaan qabiil oo aad aamintaan inaad wakiil ka tihiin dhallinyarada Soomaaliyeed noocyadeeda kala duwan, waa inaad halkaan ka diyaarisaan sidii dhallinyarada loo hoggaamin lahaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Jawaari.

Kulankaan ayaa imaanayo xilli dhawaan la filayo inuu Ra’isulwasaaraha soo magacaabo golohiisa wasiirada, waxaana la qiyaasayaa inay baarlamaanka Soomaaliya hadda kamid yihiin ilaa 75 Xildhibaan oo dhallinyaro ah kuwaas oo la aamisan yahay inay isbadalka dalka ka dhacay qeyb weyn ka qaateen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishom
caasimada@live.com