27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

SAWIRO: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka Suuqa Bacadlaha ee magaalada Muqdisho.

Inka la xaqiijiyay labo kamid ah askarta ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku dhimatay qaraxa ka dhacay goob koontarool oo ku taala agagaarka suuqa Bacadlaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay oo la geliyay goob jiingad ah oo ciidamada fariistaan.

Dhismaha Jiingadan Booliska ay fariistaan ayaa waxa uu ku yaala wadada dhinaceeda, gaar ahaan dhinaca Xigta Barxada qaadka lagu Iibiyo ee Degmada Xamar weyne.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray , waxaana ay wadaan howgallo.

2-2 3-3 4-3 6-3 7-3

- Advertisement -

Read more

Local News