Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal waxaa maanta tagay wafdi ka socdo dowlada Turkiga oo uu hogaaminayo safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale oo Turkiga ka tirsan.
Madaxweynaha Puntland C/welli Gaas ayaa xaqiijiyay in wafdiga Turkiga oo uu hogaaminayay Kani Turan iney Garowe u tageen arimaha siyaasada, wadahadalka u dhaxeeya dowlada iyo Puntland iyo arimaha bini’aadanimada.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney ka shaqeyn doonaan wax u qabashada dadka abaaraha ku heystaan Puntland.
Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntlandu tageen sidii loo dhex dhaxaadin lahaa dowlada Soomaaliya iyo Puntland, sida wadajir ahna loo wada shaqeyn lahaa.
Hoos ka daawo sawirada