Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 71 ee kasoo wareegatay markii la aasaasay ciidanka booliska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii, waxaana xaflada ka qeyb galay masuuliyiin sare sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa ka qeyb galay xaflada oo maanta ka dhacday iskuul baluuziyo ee magaalada Muqdisho.
Qaasim Axmed Rooble, afhayeenka laamaha amaanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin farxad u ah ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Waxaana caawa lagu balamay in xaflad lagu xusayo maalintii la aasaasay ciidamada booliska Soomaaliyeed lagu qabto xarunta tababarka ciidamada ee Kumando Baluuziyo.
Daawo Sawirada
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]