31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xildhibaano iyo Jaaliyadda Holland oo kullan muhiiim ah yeeshay + Video

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xildhibaanadii baryahanba socdaalka ku marayey qaarada Yurub ayaa waxaa ay markii ugu horeysay soo gaareen wadanka Netherlands caasimadiisa Amsterdam halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankaasi.

Kulankan xildhibaanada oo ahaa mid ay soo qabanqaabisay hay’adda HIRDA ee fadhigeedu yahay Amsterdam balse howlo caawinta waxbarashada, caafimaadka, haweenka iyo dib u dhiska dalka ka wada Soomaaliya ayaa waxaa marti ku ahaa xildhibaanada kala ah Xildhibaan Bishaar Ugaas, Xildhibaanad Qaali Ahmed Diiriye iyo Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar.

IMG_6856

Waxaana shirkan looga wadahadlayey sidii ay xildhibaanada xog dhab ah uga siin lahaayeen jaaliyada xaalka Soomaaliya iyo dadaalada ay wado dowlada Soomaaliya, waxaana dhankoodana ay doonayeen inay dhageystaan aragtida qurba-joogta ee ku aadan dib usoo celintii sharaftii dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Bishaar Ugaas ayaa ugu horeyntii waxaa uu sheegay in dalka iminka uu kasoo kabsanayo ammaan xumadii wixii ka danbeeyey bishii sideedad isagoona si gaar ah dowlada ugu ammaanay inay laamaheeda ammaanka ku shaqada leh arrintaasi waqti badan geliyeen.

IMG_6847

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inuu dalka horumar xoogan oo ah dib u dhisida uu ka socday oo ay qeyb arrintaasi ka ahaayeen qurba-joogta Soomaaliyeed,kuwaasi oo uu sheegay in aan la’aantood wax badan dalka ka qabsoomeyn.

Xidhibaanad Qaali Ahmed Diiriye ayaa waxay sheegtay inay  ku faraxsan tahay la kulanka jaaliyada Soomaaliyeed ee Holland islamarkaana wixii ay aragti soo gudbiyeen ay la wadaagi doonaan xubnaha kale ee Baarlamaanka marka ay ku noqdaan, iyaddoona rajo wanaag  ka muujisay in siyaasada door muuqda laga siiyo haweenka Soomaaliyeed.

IMG_6889

Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar ayaa isagana sheegay in dowlada hadda jirta ay ku guuleysatay dib usoo celinta xirirkii siyaasadeed oo ay dunida kale la laheyd. Waxaana uu si gaar ah u sheegay inay Muqdisho maalinkasta yimaadaan madax dalal magac leh kuwaasi oo dib u howlgelinaya safaaradihii ay lahaayeen iyo soo magacaabista safiiro u jooga Muqdisho.

IMG_6904

Dhinaca Jaaliyada:

Ali Awaare oo ah  agaasimaha jaaliyada Amsterdam ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalada ay dowlada wado laakiin waxa uu baarlamaankan yimid Holland ka  codsaday ka shaqeynta marka uu xilkooda dhamaado inay dalka gaarsiiyeen doorasho xor ah iyo nidaamka xisbiyada badan, si looga gudbo buu yiri arrintan qabiilada wax lagu soo xulayo.

IMG_6845

Ruqiyo Cadow oo ah guddoomiyaha ururka AASIYA oo shirkan  kasoo qeybgashay ayaa waxaa ay ku tilmaantay waqtiga hadda lagu jiro mid muujinaya rajo dowladnimo oo cagta la saaray, Waxaase ay dhaliil xoogan u jeedisay fariin laga sii daayey TV-GA QARANKA  taasi oo lagu sheegay mid lagu doonayo in dib loo soomaaliyeeyo dadka Qurba-joogta ah kuwaasi oo lagu tilmaamay inaysan qalbiga Soomaali ka aheyn.

” Ma aqbali karno in fariin shaki gelineysa Soomaalinimadeena laga sii daayo TV-ga Qaranka uu leeyahay waliba mid muujineysa  ku xadgudub xuquuqdeenii muwaadinimo. Haddiise la joojin waayo arrintaasi waxaan idin sheegayaa in cida Soomaalisan qurba-joogta iyo gudaha-joogta ay yihiin Qurba-Joogta” ayey tiri Ruqiyo Cadow.

IMG_6879

Abdi Ali Xoosh oo ah guddoomiyaha ururka African Daryeel ayaa xildhibaanada ka codsaday inay si weyn oo dhab ah ugu shaqeeyaan shacabka, waxaana uu si gaar ah uga dalbaday in aan waxba laga badelin 10 wasaaradood ee hadda dhisan.

” 10 wasaaradood oo hadda inoo dhisan waxaan codsan lahaa in na loo daayo, sababtoo ah sanadkii ay jireen wax badan ayey qabteen, haddii kale sheekadii qabiilka ayaa dib loogu noqonayaa.” ayuu yiri Abdi Ali Xoosh.

IMG_6867

Abwaanad Jawaahir Ahmed ayaa guud ahaan dowlada Soomaaliya gaar ahaan baarlamaanka kula dardaarantay inay ka shaqeeyaan midnimada islamarkaana ay tusaalooyin fiican ka qaataan dalalkan horumaray oo ay yimaadaan.

Sahro Muuse ayaa dhankeeda waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay wasaarad ku shaqo leh dib u dejinta dadka qurba joogta ah lagu soo daro xukuumada cusub ee la soo dhisayo, maadaama bay tiri dad badan ay iminka diyaar u yihiin dib ugu noqoshada Dalka Soomaaliya.

IMG_6741IMG_6739

Fadumo Maxamed Farax oo ah agaasimaha hay’adda HIRDA ee kulankan qabatay ayaa ugu danbeyntii qaadatay hadalka xiritaanka  waxaana ay sheegtay inay baarlamaanka ka filayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen gobollada ay kasoo kala jeedaan oo ay tahay inay tagaan si baahida dhabta ah ay usoo gudbiyaan oo aysan Muqdisho un iska fadhiyin. Waxaana sidoo kale ay si gaar ah uga dalbatay haweenka ku jira baarlamaanka oo ay Qaali Ahmed Diiriye ka socotay inay ka shaqeeyaan sidii lagu joojin lahaa gudniinka fircooniga oo ah  bay tiri mid qatar ku ah nolosha dumarka.

Waxaana ugu danbeyntii halkaasi la guda galay casho sharaf loo sameeyey xildhibaanadan da’dayar ee socdaalka ku maray qaarada Yurub dalal ka mid ah kuwaasi oo markii uu kulankaasi dhamaaday dib ugu noqday wadanka Belguim oo uu shir uga socdo.

IMG_6895

HALKAN KA DAAWO WARKA KULANKAASI EE UNIVERSAL KA BAXAY: 


Sayid Ali Maxamed “Caseyr”
Amsterdam, Netherlands.

IMG_6900IMG_6890IMG_6887IMG_6885IMG_6884IMG_6858IMG_6839IMG_6838IMG_6835IMG_6829IMG_6827IMG_6816IMG_6775IMG_6762IMG_6763IMG_6798IMG_6801IMG_6807IMG_6843

- Advertisement -

Read more

Local News